4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Qarax xoogan oo jugtiisa daqiiqado ka hor laga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fogfog ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile xili uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta degmada Deyniile.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegeen in qaraxa uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba leh, hasa ahaatee uu qaraxaasi ka badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe oo ahaa masuulka lala eegtay qaraxaasi, balse waxa halkaas kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Afar ruux oo shacab ah oo wadada marayay ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa waxaana ku dhaawacmay qof kale sida aay xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]