4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Somaliland: Wasaarada ganacsiga oo amaro kasoo saartay shidaalka oo qaaliyoobay
 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Wasaarada ganacsiga Somaliland, ayaa jaangoysay qiimaha lasiin karo shidaalka Somaliland yimaada oo qaaliyoobay.

Eng: Cabdiraxmaan Maxamed Muxumad, agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga ayaa sharaxay amarada ay kasoo saareen qiimaha shidaalka.

“Qolada soo dajisa waa in ayna dhaafin naaftada $106.15, halka batroolkuna uu noqonayo $111.92, waxana loogu talo galay in ay ka faa’iidan calaa foosto $2.5” ayuu yidhi agaasimuhu.

“Waa in ay tafaariiqlayda foostada naaftada ah kaga iibiyaan $16.15, halka loo saray baatroolkana $3 oo ay kaga iibin doonaan $122.42”.

“tafaariiqluhuna wuxuu litirka naaftada ah ku iibinayaa $0.62 oo u dhiganta 5200 oo shilin, halka uu ku iibinayo batroolkana $0.66 oo u dhiganta 5600 oo shilin” ayuu hadalkisa sii raaciyay agaasimuhu.

Agaasimaha ayaa sheegay in foostada naaftada ahi ay tafaariiqlayda kuso gaadhayso $124.65, halka foostada baatroolka ahina ay kusoo gaadhayo $132.42.

Sidookale agaasimuhu wuxu sheegay in gobolada fog fog ee Sool iyo Sanaag ay $2 ku kordhayaan halka $1 ku kordhayo gobolka Awdal.

Saddexdan gobol ee aynu sare kusoo xusnay waxa qiimaha foostada kordhinaya madama oo ay dakadda ka fogyihiin, oo nooligu ka badanyahay gobolada kale.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]