4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Madaxweyne Muuse Biixi oo dalacsiiyay hablo saraakiil ah oo katirsan ciidan ka RRU
 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana dalacsiiyay hablo saraakiil ah oo katirsan ciidanka RRU.

Madaxweynaha ayaa hablaha saraakiisha ah ugu hambalyeeyay dadaalka ay sameeyeen isla markaana u rajeeyay in hablo badan oo kale ku daydan.

“Waxaad keenteen gabdhow geesinimo qayral caadi ah, dee walahi gabdho arrinta u badheedhedhay oo foolentari isku qoray oo tababaradi dhamaystay oo ilaa sarkaal kamaraya waan idinku hambalyaynayaa” ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Waxan filayaa in qaar badan oo kalena ay wadadiina soo raaci doonan maanta ayayna arkayaan midhaheeda in aad noqoteen masuuliyiin” ayuu madaxweynuhu hadalkisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale hablaha saraakisha ah ku booriyay in ay siiwataan waxbarashada.

“Waan idin soo dhawaynayaa, waanan idin hambalyaynayaa qoladiina dalacday, tacliinta siiwada, sii kordhiya, waana nu idiin ducaynaynaa, ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ku andaacooday in habluhu ay kaga fiicanyihiin raga shaqada booliska.

“Habluhu awood bay leeyihiin ay dadka wax kaga dhaadhiciyaan, waliba iyaga dadka jilicsanina wuu maqlayaa” ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Waxa la’aaminsanyahay in inantu haday kiis baadho in ay ninka ka cadalad badantahay” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]