4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka oo soo saaray mowqifkooda
 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo khalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso.

Sidoo kale, xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeereen muddo kordhin sharci darro ah.

Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegidoonaan xarunta barlamaanka islamarkaana aysan u joojin doonin go’aanka looga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

“Shirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaara waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada waxay sheegeen in uusan jirin xeer guddoomiyaha u oggolaanaya go’aanka uu soo saaray, waxayna tilmaameen awoodda kaliya uu guddoomiyuhu leeyahay in ay tahay inuu xiro fadhiyada haddii uu buuq yimaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online