4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Ciidamo katirsan Puntland oo gadoodsan oo jidgooyo dhigtay laamiga isku xira Garowe iyo Gaalkacyo
 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Ciidamo Puntland ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa jidgooyooyin cusub dhigtay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, iyagoo masuuliyiinta Puntland ka mamnuucay isticmaalka wadadaas.

Jidgooyada ay dhigteen ciidamadan ayaa caqabad ku noqotay masuuliyiiin Puntland katirsan oo qorsheynayay in ay ciidamo tababar ugusoo xiraan degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamada dhigtay jidgooyada ayaa cabashadooda waxay kusoo aadaysaa xilli madaxweynaha Puntland uu dhawaan shaaciyay in la kordhiyay mushaarka ciidamada.

Ciidamada gadoodka sameeyay ma xanibin gaadiidka dadweynaha ee ku kala safraya wadadaan, inkastoo cabsi laga muujinayo.

Gudaha Puntland, in ciidamadu ay gadood sameeyaan, ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka, waxayna aad ugu badnayd xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Deni inkastoo uu sheegay in mushahaarka uu kordhiyay, hadana cabashada ciidamada weli ma dhamaan, waxayna haatan ka taagan tahay gobolka Gardafu, oo ay ciidamo iyo saraakiil ka cabanayay xuquuq la’aan sameysteen jabhad.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online