4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2021
Dad badan oo Covid 19 ugu dhintay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya

 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) -- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ku sii fidanayo deegaannada uu gobolku ka kooban yahay caabuqa Covid 19.

Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan dad gaaraya 30 ruux ugu dhinteen cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Dhinaca kale Degmada Xeraale ayaa lagu waramayaa in 15 ruux  ,maalmihii aynu soo dhaafnay ay ugu geeriyoodeen cudurkan, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan dad la ildaran sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Bashiir Daahir Dhagabadan.

Wasaarrada Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sii kordhayo khatarta cudurkani uu ku hayo bulshada, waxaana si maalinle ah cudurkan ugu geeriyooda dad Soomaaliyeed deegaannada kala duwan ee dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]