4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkan iyo 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]