4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Wararkii ugu danbeeyay kulankii fashilmay ee Golaha Shacabka

 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ku kala taggay kulan qorshuhu ahaa in ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa, kaddib markii leysku fahmi waayay ajandaha shirka oo xildhibaannada qaarkood sheegeen in uu ahaa mid qorsoon oo huwan muddo korarsi.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka war heleen qorshe Guddoonka Baarlamaanku damacsanaa iyo qoddobo uu la wadaagay qaar ka mid ah xildhibaannada kuwaa oo ka marakacaya in Guddoomiyuhu wadday ajande  aan horay loo sii sheegin laakiin lagu dhax furi lahaa Baarlamaanka oo ahaa muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xildhibaanka ayaa intaa ku darray in Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la wadaagay xildhibaannada qaar in uu fashilmay heshiiskii doorasho ee 17kii September, sidaa daraadeed lagama maarmaan tahay in muddo kordhin loo sameeyo hay'addaha kala duwan ee Dowladda, ciidamada la keenay xarunta Golahana uu isagu dalbaday.

Xildhibaannada kala aragtida duwan ee Golaha dhaxdiisa maanta buuqa ka sameeyay ayaa ku dhawaaqay erayo iska soo horjeeda oo dhamaantood salka ku haya khilaafka siyaasadeed dalka ee jira.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoonka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay in uu ka shaqeynayay ajande aan aheyn kan leysugu yeeray xildhibaannada ee caabuqa Covid 19, 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muddo dheerba lagu eedeynayaa in ay ka shaqeyneyso muddo korarsi kaddib markii ay fashilmeen kulamo dhowr ah oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka doorashada.

Laakiin dhinaca kale waxaa jira digniin is daba joog ah oo ka imanaya beesha calaamka oo sheegay in marnaba raali ka noqon doonin mudo kordhin loo sameeyo hay'addaha dowladda ee hadda jira.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]