4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Shir gaar ah oo Madaxda Dowlad Gobolleedyada uga furmay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw xerada Xalane ee magaalada Muqdisho shir gaar ah uga furmay Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, kaasoo qeyb ka ah xal u helida khilaafka baahsan ee la xiriira doorashada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya dhamaanba madaxda dowlad gobolleedyada  kuwaa oo kala ah madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Madaxweynayaashan ayaa ka wada hadlaya sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaashaha iyo khilaafka salka ku haya hannaanka lagu wajahayo doorashada oo madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood  rabaan si ka duwan sida ay dooneyso madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaan wali soo hor fariisan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhowr jeer oo hore taggay goobta shirka loo iclaamiyay ee teendhada Afisiyooni, iyaga oo ka biyo diidan ajandaha shirka iyo awoodaha Farmaajo ee hoggaaminta kulanka.

Shirkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo leysugu soo jiidayo dhinacyada iska soo horjeeda si ugu danbeyntii xal waara looga gaaro muranka doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]