4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulamaya

 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) -  Maanta oo Sabti ah 27ka bisha Maarso 2021ka ayaa lagu waddaa in ay kulan isugu yimaadaan xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib fariin loo diray dhamaan xildhibaannada oo lagu wargaliyay in ay kulanka maanta ka soo qeybgalaan.

Sida ku cad fariimaha loo diray xildhibaannada kulanka maanta ayaa ajandihiisu yahay saameynta uu dadka ku yeeshay caabuqa Coronavirus  ama Covid 19, oo siweyn sare ugu kacaya gudaha dalka Soomaaliya.

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto xildhibaannada qaarkood ayaa kulanka shaki badan ka muujinaya, iyaga oo sheegay in ay madaxtooyada Soomaaliya dooneyso muddo korarsi, waxaana maalmihii ugu danbeeyayba Muqdisho ka jiray kulamo iska soo horjeeda oo ay lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka oo qaarkood ka digay in Golaha la dhax keeno mudo kordhin.

Sidoo kale kulanka maanta ayaa imanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay u sugan yihiin dhamaanba hoggaamiyayaasha Soomaalida, waxaana lagu guuldareystay ilaa iyo hadda qabashada kulan wadajir ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka sida ay ku baaqeen bulshada caalamka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]