4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 26, 2021
Somaliland: Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlay musharax laga xidhay
 

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) - Xogeeyaha warbaahinta ee xisbiga UCID Yusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa sharcidaro ku tilmaamay xadhig ay dowladu ugaysatay Shucayb Maxamed Muuse oo ah musharax ka sharaxan xisbiga UCID.

Xogeeyaha ayaa xadhiga musharax Shucayb ku tilmamay mid aan la aqbali karin, iyo afduub.

“Waa arrin labaad oo foolxun oo qafaalasho ah, xadhiga Shucayb oo ah musharax ka tirsan xisbiga UCID, waana dhacdo kale oo aan ka farxinayn shacbiga Somaliland” ayuu yidhi xogeeyuhu.

“Waxa nidaam keeni uu ku soo ururay digtaytarnimo, oo wixi qarankan intaaso madaxwayne kusoo tabceen, in xukuumada maanta joogta baabiinayso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xogeeyuhu.

Xogeeyaha ayaa sheegay in musharax Shucayb la xidhay iyadoo aan wax waaran maxkamadeed ah aan loo keenin isla markaana loo diiday in ay xabsiga ku booqdaan.

Shucayb ayaa noqonaya musharaxii saddexaad ee katirsan xisbiga UCID ee ay xukuumadu xabsiga dhigto.

Hore waxa xabsiga loodhigay Raage Axmed Yuusuf iyo Maxamuud Axmed Jama oo ka sharaxnaa xisbiga UCID, kuwaaso markii danbe lasoo daayay.

 Ilaa hada xukuumadu kamay hadal sababta dhabta ah ee ka danbaysa xadhiga musharixiinta.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]