4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 26, 2021
Hey’adda IMF oo ansixisay lacago qeyb ka ah deyn cafinta Soomaaliya

 

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) -Hay'adda  IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay.

Dhaqaalaha ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya.

25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee IMF ay sheegeen in Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta, kolkaas oo Soomaaliya la siiyay in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo soo socda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]