4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 26, 2021
Tallaalka ka hortaga Cudurka COVID-19 oo la gaarsiiyay maamulka Hirshabeelle
 

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ayaa la wareegtay tallaalka ka hortaga Cudurka COVID-19 oo la gaarsiiyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kaasoo loogu talogalay inay ka faa'ideystaan 25 kun oo qof oo ku nool deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Wakiilka Hay'adda WHO Maxamed Cabdikariin ayaa bulshada ku nool deegaanada Hirshabeelle ku bogaadiyay iney ka Faa'ideystaan tallaalka.

Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale ugu baaqay iney shacabka Hirshabeelle ka faa'ideystaan tallaalka oo aay qaataan.

Tallaalka loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID19 ayaa bishan gudaheeda si rasmi ah usoo gaaray gudaha Soomaaliya waxaana dadkii ugu horeyay ee qaatay ka mid ahaa madaxweyne Farmaajo iyo wasiirada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]