4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 26, 2021
Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ka taageereysa dhanka sugida amniga Doorashooyinka
 

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar iyo danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay arrimo badan oo aay ka mid yihiin taageerada iyo xoojinta, sugida amniga doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Safaarada Uk ee magaalada Muqdisho, waxaana labada masuul aay si weedaarsadeen warbixino muhiim ah, waxaan Safiirka Uk uu bogaadiyay shaqada adag aay hayaan Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyees ayaa dhankiisa uga mahadceliyay taageerada dowlada Ingiriiska aay siiyaan guud ahaan dowladda soomaaliya gaar ahaana ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Dowladda Ingiriiska waxay ka mid tahay dowladdaha dowlada Soomaaliya ka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]