4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 26, 2021
Dowladda Soomaaliya la wareegtay ciidamo horey uga tirsanaa Jubbaland

Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) -  Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Dooloow ku soo bandhigtay boqolaal ciidamo ah oo horey uga tirsanaa maamul gobolleed Jubbaland, laakiin hadda ku biiray ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala  gobolka Gedo.

Wasiir ku-xigaanka Wasaarradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in ka dowlad ahaan siweyn u soo dhaweynayaan ciidamadan oo markii hore ahaan kuwo aragti duwan Dowladda dagaalna kula jiray, laakiin hadda gartay sida uu hadalka u dhigay in ay u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Ciidamada oo kor u dhaafaya 400 Askari iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa ka mid ahaa ciidamadii uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, islamarkaana horaantii sanadkan degmada Beled-Xaawo kula dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiir Alcadaala ayaa u sheegay u sheegay in ciidamada in ay dhawaan ay soo gaari doonaan mas'uuliyiin ka socda Wasaarradda Maaliyada si loo mariyo hab raaca ciidamada looguna bilaabo wixii xuquuq ah oo ay leeyihiin.

Ciidamadan lagu soo bandhigay degmada Dooloow ayaa horay uga mid ahaa ciidanka dowlad gobolleedka Jubbaland ee abaabulnaa in ay Gedo ka saaraan ciidanka Dowladda ee gacanta ku haya gobolka, waxaana hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashadiid Janan oo hadda ku biiray dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]