4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Muqdisho soo gaaray

 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) -  Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maalin ka hor heshiis hor dhac ah la gaaray Dowladda Federaalka ayaa galinkii danbe ee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Waxaa safarkiisa ku wehlinayay taliyaha hay'adda nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ee Soomaaliya kuwaa oo Gobolka Gedo u tagay soo dhaweynta Cabdirashiid Janan,

Janan ayaa Muqdisho ku soo laabtay sanad iyo dheeraad kaddib markii uu ka baxday xasbi uu ku jiray isaga oo eedeysnaa in uu galay gabood falo kala duwan, wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa jiray dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeyay isaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Balse ugu danbeyntii khilaafka labada dhinac ayaa la soo afjaray, iyadoo Cabdirashiid Janan uu sheegay in uu u tanaasulay sida uu hadalka u dhigay daruufaha adag oo ay xiligan wajahayaan dadka ku dhaqan gobolka Gedo iyo muhiimada ay leedahay in Qarannimada laga wadashaqeeyo.

Laakiin dhinaca kale marka la eego heshiiskan waxaa dhaliilay hay'adda caalami iyo waliba midowga Yurub oo ku tilmaamay mid wax-yeelo ku ah dhibbanayaashii ay dhibaatadu ka soo gaartay iyo kuwii ku barakacay colaadihii uu qeybta ka ahaaa Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan oo uu ugu danbeeyay dagaalkii horraantii sanadkan ka dhacay degmada BeledXaawo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]