4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Puntland oo sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu hor istaagay kulan dhexmari lahaa beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada
 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya ay hor istaagtay kulan la qorsheeyay oo dhexmari lahaa beesha caalamka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa nasiib darro ku tilmaamay kulankan oo galabta ka qabsoomi lahaa xerada Xallane in uu u baaqday amar kasoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Dhabancad wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka joojiyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay ka qeyb galaan kulankaas oo uu sheegay in ay isku xogwareysan lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Dhinaca kale, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in shirka u dhaxeeya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka uu dhici doono caawa 7:30pm.

Marka lagasoo tago arrintan, madaxweyne farmaajo, Raysal Wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa maanta wada qaatay maalintii afaraad shirka arrimaha doorashada.

Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ka maqan shirka ka socda xerada Afisyoone, waxayna u muuqataa in ay sii adkaanayso rajada ah in shirka ay kusoo biiraan madaxweynayaashooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online