Mooyaale: Magaalada Mooyaale oo maanta Roob doon laga sameeyay



Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Mooyaale ayaa maanta isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Mooyaale, si ay u oogaan salaadda roob doonta ah ee ay Ilaahay ku baryayaan.

newsinsideWaxaana salaaddan roob doonta ah kasoo qayb galay maamulka magaalada, Culimaa'udiinka magaalada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana salaaddii kaddib la billaabay duco iyo Alle bari dadku ay Ilaahay kuwaydiisanayaan inuu abaaraha ka dulqaado, roobna ugu deeqo.

Meelo badan oo degaanka Soomaalida kamid ah ayaa sidanoo kale laga oogay salaadda roob doonta ah,  iyadoo si guud degaanka ay u saamaysay abaar daran dad iyo duunyaba ku habsatay.

Abdilahi Jawhar,  Hiiraan Online
[email protected]