4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Puntland oo ciidamo cusub ku daabushay buuraha Calmadow
 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Cutubyo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Puntland oo dhawaan tababar ku soo gabagabeeyay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa loo daad gureeyay buuraha Calmadow.

Ciidamadan ayaa loogu talo galay si loogu xoojiyo ciidamada la dagaalamaya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Madaxweyne Deni ayaa labo maalin kadib weerarkii lagu qaaday xabsiga Bosaso wuxuu sheegay in ay guul adag ka gaaridoonaan dagaalka Alshabaab.

Tallaabadii u suurto galisay Alshabab in ay qabsadaan xabsiga Bosaso, ayaa keentay in Puntland ay dib u habayn ku sameyso awoodda ciidan ee ay kaga hortagayso qatarta aan la dhayalsan karin ee kaga timaada Shabaabka buuraha ku jira.

Alshabaab ayaa hadda ku howlan askaraynta maxaabiistii ay kasoo furteen xabsiga Bosaso, kuwaas oo qaarkood si rasmi ah uga sheegay warbaahintooda in ay ku biireen Alshabaab.

Weerarkii Xabsiga Bosaso wuxuu ahaa weerarkii ugu xoogganaa ee Alshabaab ka geystaan gudaha Puntland tan iyo weerarkii lagu qaaday saldhiga ciiddanka Puntland ee Af-urur, sanadkii 2017, halkaas oo lagu dilay ciidamo ka badan 60 askari iyo saraakiishoodii.

Hiiraan Online News Disk