4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo qarax lagu dilay

 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sarkaalka lagu dilay magaciisa lagu sheegay Cali Bariise halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar ilaalo u aheyd.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka qaaday dhaawacyada askartii waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada la dhigo waddooyinka ee lala eegto saraakiisha iyo mas'uuliyiinta dowladda

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]