4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Hoobiyayaal ku dhacay xaafaddo ku dhaw dhaw xerada Xalane

 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xaafaddo ku dhaw dhaw xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijinayo qof shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan hoobiyaha ee loo adeegsaday xaafaddo ay deganaayeen dad rayid ah.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ku dhaawacmeen ilaa shan ruux kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan lagu weeraray xaafaddaha ku dhaw dhaw aaga Xalane ayaa imanaya  xili ay halkaa ka socdaan kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]