4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Beesha caalamka oo kulan gaar ah la yeelanaya madaxda Dowlad Gobolleedyada

 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) -  Wakiilada Beesha caalamka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda kulan gaar ah la yeeshaan madaxda dowlad gobollleedyada ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhici doona teendhada Afisyooni ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirhsbaeelle, waxaana dibad joog ka ahaan doona madaxda dowladda Federaalka,

Beesha caalamka ayaa la filayaa in ay kala hadlaan madaxda Dowlad Gobolleedyada sidii heshiis rasmi ah loo gaari lahaa, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba uu soo ifbaxay shaki la xiriira qabsoomida shirka looga hadlayo arrimaha doorashada oo ay ka biyo diidan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii shalay uga digtay beesha caalamka in ay qaadaan tallaabo ka baxsan howlaha loo idmaday, iyaga oo ku tilmaamay ficilada qaar ee wakiilada beesha caalamku kacayaan kuwo wax u dhimaya Qarrannimada iyo madaxbannaanida dalka

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]