4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Cabdirashiid Janan'' Waxaan dhiseynaa Jubbaland leysku raacsan yahay

 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) - Isaga oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayuu sheegay Cabdirashiid Xassan Cabdinuur in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay dhismaha sida uu hadalka u dhigay Jubbaland la wada leeyahay oo dhan yahay.

Cabdirashiid Janan oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo kaddib heshiis uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba deegaannada Jubbaland uusan soo marin maamul cadaallad ah oo dadku u siman yihiin.

"Jubaland la isku raacsan yahay oo loo wada dhan yahay, caddaaladdeeda loo wada siman yahay iyo horumarkeeda marna ma dhicin oo ma jirin, laakiin hadda ayaan ka shaqeyneynaa in Jubaland umadda Soomaaliyeed ee reer Jubaland ay isku raacsan yihiin aan ka shaqeyno," ayuu yidhi Janan.

Hadalka Janan ayaa imanaya kaddib markii madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland uu xilkii Wasiirka Amniga ka qaaday Cabdirashiid Janan oo muddo dheer la safnaa maamulka Jubbaland, balse xil ka qaadistiisa ayaa salka ku heysa heshiiskan cusub ee uu la gaaray Dowladda Soomaaliya oo ay siweyn isku hayaan maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta ku soo biirista dhinaceeda ee Cabdirashiid Janan mid muhiim u ah deggenaashaha Gobolka Gedo oo hadda ah xudunta khilaafka ugu weyn ee doorashada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]