4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma
 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa hay’adda qaxoootiga adduunka ee UNHCR u qabatay mudo 14 maalmood ah oo ugu dambayn laga doonayo in ay la timaado khariidad ku saabsan xidhitaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in aysan meelna ugama bannaanayn wada-hadallo dheeri ah oo ay ka galayso in ay dib u dhigto ama ka laabato go’aanka ay ku xirayso xeryaha qaxootiga ee dalkeeda ku yaalla.

Lama oga sababta xilligan Kenya ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha Qaxootiga oo ay ku jiraan boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed, kuwaas oo tan iyo burburkii dalka kadib halkaas ku nool.

Balse, arrintan waxay kusoo aadaysaa, iyadoo Soomaaliya iyo Kenya uu aad u xun yahay xidhiidhkooda diblumaasiyadeed islamarkaana ay socoto maxkamadaynta dacwadda Badda ee labada dal.

Sanadkii 2019-kii, dowladda Kenya waxay sheegtay inay xireyso xerada kadib markii tuhun laga muujiyay in xeryaha qaxootiga ay gabaad ka dhiganayaan kooxda Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online