4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Prof Axmed Muumin Warfaa oo goordhaw ku geeriyooday magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Professor Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Axmed Muumin Warfaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday Cudurka COVID-19, kaasoo uu kula xanuunsanayay magaalada Muqdisho muddo ku dhaw 30 cisho.

Allah u naxariiste Marxuumka Axmed Muumin Warfaa wuxuu ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Zam Zam, wuxuuna ahaa qabiir ku xeel dheer Cilmiga Beeraha, sidoo kale waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jaamacada Hiiraan.

Axmed Muumin Warfaa waxaa uu dhashay 12-April-1948 waxuuna ku dhashay magaalada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, Waxbarashadiisa heerka koowad iyo dhexe waxa uu ku qaaday Buulaburte, waxuuna heerka sarre ku dhameystay magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1971 ilaa 1975-kii waxa uu qaatay Shahaadada Jaamacadda heerkeeda koowaad, isagoo ka baxay kuliyada Beeraha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sanadahii 1977 ilaa 1980-kii waxa uu qaatay Shahaadada heerka labaad ee Jamaacada waxuuna ka qaatay Jaamacadd ku taalo wadanka Talayaaniga, sanadahii 1983 ilaa 1989-kiina waxuu qaatay Shahaadada heerka sadaxaad ee PHD waxuuna ka qaatay Jaamacad ku taala dalka Swedan.

Waxii ka dambeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka waxa uu marxuumka ku noola dalka dibadiisa waxuuna barre ka ahaa Jaamacad ku taala dalka Mareykanka, sanadkii 2012-kii waxa uu isku soo sharaxay qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn marxuumka maanta ayuu ka mid noqday dadka u dhintay xanuunka COVID19 kaasoo shacabka Soomaaliyeed aay ku waayeen dad badan oo waxtar u lahaa dalkeena oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]