4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Abiy Ahmed oo markii ugu horreysay qiray in ciidamo Ereteriyaan ku sugan yihiin gobolka Tigreyga

 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa  qiray markii ugu horreysay in ciidamo  Eritrea - yaan ah  ku sugan yihiin gobolka Tigreega kaddib markii uu qarxay dagaalkii bishii November.

Muddo bilo ah ayeey labada dalba si is daba joog ah  beenninayeen in ciidamada ay ka gudbeen xadka.

Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha Baarlamaanka in ciidamada Eritrea  ay yimaadeen iyagoo ka baqaya in ay weeraraan dagaalyahanada gobolka ee Tigray.

Iska hor imaadkan ayaa bilawday kaddib markii Jabhada xoreynta dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo kuyaala gobolka.

Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka Woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa soo kala dhaxgalay Xisbigan iyo waliba xukuumadda uu horkacayo Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Inkasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhamaadkii bishii November  islamarkaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]