4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Midowga Yurub oo digniin u culus u diray madaxda Soomaalida

 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) -War ka soo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa wiiqaya wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficilladooda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha siyaasadeed ay naftooda ceebeeyaan si ay u matallaan muwaadiniintooda, marka ay danahooda shakhsiyadeed ka hormariyaan danta guud.

“Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxaya wajahi doonaan cawaaqib ku aadan ficilladooda” ayuu lagu yiri warka Talaadadi shalay ka soo baxay Midowga Yurub.

Madaxda Soomaaliya ayaanan wali heshiis ka gaarin doorashada baarlamaaniga iyo tan madaxtinimada, kaddib marki uu bishi Febraayo ee sannadkaan dhamaaday, mudda xileedki madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo.

Midowga Yurub ayaa dhaqaalo xooggan ku bixiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Howlgalka Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]