4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 23, 2021
Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda axsaabta siyaasada oo maanta qaatay Tallaalka Covid-19


Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxda axsaabta siyaasada iyo saraakiil kale ayaa maanta lagu daafuray tallaalka Covid-19.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay faa’iidada tallaalkan iyo waxa uu dareemay kadib markii lagu muday  (lagu duray) dhibcaha tallaalka.

“Tallaalkii anu waan qaatay wax laga baqdo maleh, marka lagu durayana dareemi maysid, in lagu duray iyo inkale” Ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Haday Yurub tahay iyo haday Maraykan tahayba waxa laysku raacay 100% mid aan bini adamka waxba yeelayn, 80% na faa’iido uleh” Ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusii daray.

Madaxweynaha, ayaa sheegay sidokale in dawladiisu ka shaqaynayso sidii loo heli lahaa tallaal bulshada wada gaadha.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in tallaalkani yahay mid lahubo waxtarkiisa, bulshadana ku dhiirigaliyay in ay qataan.

“waxan ku boorinaya in ay qataan tallaalka, dacaayadihii lasheegayoo dhami way beenoobeen, hada waala kala laayahayba aduunka” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]