4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 23, 2021
Cabdirashiid Janan oo wadahadal la bilaabay dowladda Soomaaliya

 

Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu soconayo wada hadal u dhaxeeya Wasiirka Amniga Jubbaland  Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Soomaaliya.

Ciidamo daacad u ah Wasiir Janan iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii waxaa uu dagaal culus ku dhaxmaray degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo.

CabdirashiidJanan ayaa u xaqiijiyay  BBC in wadahadallo  u socdaan isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin.

Wuxuu sheegay in laakiin in wada hadalladaasi yihiin kuwo aan wali miro dhalin laakiin bilow ah.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin warka ku saabsan wadahadalka u bilaawday iyaga iyo Wasiir Janan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]