4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 23, 2021
Dowladda Maraykanka oo u sheegtay dowlad goboleedyada in ay si sharuud la'aan ah uga qeyb galaan shirka ka socda Afisyoone
 

Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku boorrisay madaxweyne Farmaajo inuu hubiyo in si guud looga qeyb galo shirka wadatashiga ee looga arrinsanayo heshiiska doorashada.

Safaaradda Maraykanka ayaa sidoo kale u soo jeedisay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay si sharuud la’aan ah uga qeyb galaan shirka.

Hadalkan ayaa ah qoraal kooban oo lagusoo daabacay twitterka safaaradda Maraykanka, wuxuuna daba socday kadib markii Puntland iyo Jubbaland aysan maalintii labaad ka qeyb galin shirka.

Dowladda Maraykanka ayaa horay u sheegtay in ay si qoto dheer uga walaacsan tahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya ayuu Maraykanku u sheegay in looga baahan yahay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka. Wuxuuna hadalkiisa kusii daray in hubaal la'aanta sii socota in ay wiiqayso amniga iyo xasilloonida hadda la haysto.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la faray in ay Muqdisho ka bixin illaa inta heshiis laga gaarayo.

   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online