4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 23, 2021
Toban ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

 

Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo 10 ruux oo uu ka mid yahay sarkaal booliis ah ayaa lagu dilay iska hormaad ka dhacay suuq lagu iibiyo cunada lagu iibiyo ku yaala Boulder, Colorado.

Qof la tuhusan yahay in uu ka danbeeyay toogashada ay dadka badani ku dhinteen ayaa la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha laamaha Amniga.

 Eric Talley,  oo ah sarkaalka weerarkan ku dhintay ayaa warbixintu sheegtay in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee goobta taggay kaddib markii lagu soo wargaliyay dhacdada iska horimaadka iyo weerarka uu geystay qofka hubeysan.

Wuxuu ahaa 51 sano jir ku soo biiray ciidamada sanadkii 2010kii iyadoo lagu tilmaamay geesi naftiisa huray.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]