4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
DR. Adna Adan “xataa 1991 kahor Somaliland gaar bay ka ahayd Soomaaliya”
 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adna Adan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horeeyay 1991.

Dr. Adna Adan oo ka qayb gashay dood lagu qabtay muuqbaahiyaha dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millitariga.

Adna ayaa sheegtay in xiligii ay dalka ka talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale.

“Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidi dal lahaysto” ayay tidhi Dr. Adna Adan.

Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday.

“Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi DR. Adna Adan.

Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sano jirsatay, laga rabo, maamul wanaag.

“Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi DR. Adna Adan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]