4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo sheegay inuu soo xirmay wajigii koowaad ee shirka ka socda Afisyooni
 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wajigii koowaad ee shirka wadatashiga dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in shirka wajigiisa koowaad uu ahaa akhrinta ajendaha iyo is araga madaxda kala duwan ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo shirka lagu casuumay in aanay kasoo qeyb galin, isagoo sheegay in dowladda federalka aysan ogayn sababta labada madaxweyne shirka u imaan waayeen.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kasoo baxay ballantiisii ahayd inuu shirka iskugu yeero madaxda siyaasada, isagana uu noqday qofkii ugu horreeyay ee shirka yimaada.

Wasiirka warfaafintu wuu ka gaabsaday su’aalo badan oo ay warbaahinta weydiin lahaayeen, wuxuuna kusoo kooban dhowr weydiimood oo qaarkood uu si kooban uga jawaabayay.

Warar kale oo helayso HOL, ayaa sheegaya in beesha caalamka wado dadaalo ay ku doonayso in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay shirka kasoo qeyb galaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online