4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay weriye Kilwe Aadan oo muddo ka badan labo bilood xiran
 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa cafis u fidiyay weriye Aadan Aadan Faarax oo muddo ka badan labo bilood ku xidhan xabsiga dhexe ee Garowe.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu cafiska weriyaha u cuskaday Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya iyo qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland.

Weriye Aadan Aadan Faarax ayaa maalmo kahor waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland  ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa sheegay inuu faraha ka laabtay kiiska weriyahan, kadib markii uu tilmaamay in weriyaha oo lagu waayay wax dambi ah haddana lagu xukumo xabsi saddex sano ah.

Bishii December ayaa weriyahan la xiray, isagoo xilligaas lagusoo oogay eedeymo ah inuu faafiyay warar been abuur ah iyo inuu duubay oo faafiyay muuqaal loogu gafayo madaxweynaha Puntland.

Balse, eedeymahaan  ayaa wax kama jiraan noqday kadib markii dhawaan maxkamad lasoo taagay weriyaha, iyadoo lagu waayay dhamaan dambiyadii lagusoo eedeeyay ee uu muddada u xirnaa.

Kilwe waa weriyihii ugu xabsiga dheeraa gudaha Puntland ee weliba isagoo aan maxkamad la marin iska xirnaa in ka badan labo bil.

Ururka MAP ayaa ku tilmaamay xarigiisa mid maamulku uu ku doonayo inuu ku cabsi galiyo saxaafadda madaxa bannaan si aanay usoo gudbin dhaliilaha maamulka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online