4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Hey'adda Maalgashiga Bangiga Adduunka ee IFC oo heshiis kala saxiixday


Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Hey'adda Iskaashiga Maaliyadeed ee Caalamiga ah xubin ka ah Bangiga Adduunka, iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis  ku saabsan horumarinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan (PPPs) ee kaabaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo kobaca dhaqaalaha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa  dooneysaa ina soo jiidato, ayna dhiirigeliso maalgashigayada gaar ah sida, isgaarsiinta iyo mashaariic kale si loo xoojiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka loona gaarsiiyo muwaadiniinta adeegyo muhiim ah, qiimo jaban, oo la isku halleyn karo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskaan maanta la saxiixday Hey'adda IFC kaasi oo lagu taageerayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha.

"Maanta waxaa la saxiixanay heshiis Hey'adda ama laanta Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC...waxa ay ka shaqayn doonnaan laga bilaabo berri sidii ganacsatada ula falgeli lahaayeen iyo habkii ay uga la shaqayn lahayeen maalgashiga ganacsiga ee Soomaaliya". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sida ku xusan heshiiska maanta la saxiixay, Hey'adda IFC waxay Soomaaliya ka caawin doontaa horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka ganacsiga gaar loo leeyahay ee loo yaqaan PPP (Public-private partnerships) ee lagu maamulayo horumarinta iyo hirgelinta mashruuciida. IFC waxay sidoo kale ka caawin doontaa Soomaaliya inay soo saarto ilaha laga soo qaado mashruucyada suurtagalka ah ee PPP isla markaana ay gacan ka gaysato dib-u-eegis taxaddar leh saddexda sano ee soo socota.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online