4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Shir gaar ah oo ka furmay teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho

 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) -Waxaa goor dhaw teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho ka furmay shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble,  madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeybgalin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba u joogay Muqdisho ka qeybgalka shirkan, hasse ahaatee waxaa soo baxaya in uu jiro khilaaf xoogan oo ku gadaaman ajandaha shirka iyo cidda hoggaamineysa.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida cadaadis xoog leh ku saaraya heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay shalay ku sheegtay in madaxda dowladda gobolleedyada ka tagi doonin Muqdisho ilaa laga gaarayo heshiis doorasho oo kama danbeys ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]