4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
AMISOM oo sheegtay in ay la wareegtay sugida Amniga goobta uu ka dhacayo shirka arrimaha doorashooyinka

 

Isniiin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Iyadoo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada ku eedeeyeen madaxtooyada Soomaaliya in ay ciidamo ku daabushay xarunta Xalane agagaarka goobta shirka lagu qabanayo ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde , ayaa war xalay ka soo baxay howlgalka midowga Africa AMISOM waxaa lagu sheegay in ay iyagu sugayaan Amniga goobta uu shirku ka dhacayo.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira  qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka.

Ambassador Madeira  ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya teendhada Afsiyooni, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay AMISOM :-

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]