4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo maanta u furmaya madaxda DF iyo dowlad gobolleedyada

 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) -  Maanta oo ay tariikhdu ku beegan tahay 22ka bisha Maarso 2021, ayaa lagu waddaa in Teendhada Afsiyooni ee xarunta Xalane uu shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka uga furmo madaxda DF Soomaaliya , Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo mudddo dheerba la sugayay ayaa waxaa harreeyay khilaaf xooggan oo soo kala dhaxgalay Madaxda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada oo ka biyo diidday ka qeybgalay shirar dhowr ah oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan.

Laakiin dadaal xoog leh oo ay ku bixiyeen bulshada caalamka qabsoomida shirkan ayaa leysku afgartay in uu ka dhaco goob amaan ah sida ay codsadeen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ajande aan rasmi ah aheyn laakiin loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in wajiga hore ee maanta shirka xooga lagu saari doono sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada shirka ka wada qeybgalaya oo aan isku aragti ka aheyn hannaanka loo marayo doorashada, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyana la gudagali doono qoddobka ugu weyn shirka ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalintii shalay la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in uusan ka warheyn shirka maanta furmaya, inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ku tilmaameen hadalka Deni mid aan meesha qaban, madaama sababta uu Muqdisho u joogaba tahay ka qeybgalka shirka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]