4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Madaxweyne Deni: Shirka berri furmaya wax aan ugaga qeyb galno uma jeedno, dowladduna ciidamo ayay nagu hareeraysay
 

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan muuqan sabab uu uga qeyb galo shirka wadatashiga ee madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni oo BBC Somali wareysi siiyay ayaa sheegay in ay qatar amni ku jiraan islamarkaana dowladda federalka ay ciidamo ku hareeraysay xerada Xallane oo ay degen yihiin isaga iyo Axmed Madoobe.

“Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay,” ayuu yiri Deni.

Deni wuxuu sheegay qorshaha ciidamada Xallane loosoo dhoobay in ay tahay sidii loosoo wareeri lahaa iyaga, isaga oo sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan u soo jeedin doorasho xallaal ah inuu qabto.

“Waxaan idiin sheegayaa meeshaan shir kama muuqdo, waxaa ka horraysa amaanka in meel la isla dhigo, sharciyadda lagusoo laabo, markaas kadib ayaa doorasho laga wada hadli karaa,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu jebiyay tal-soo jeedintii shirkii Baydhabo kadib markii sida uu sheegay ay dowladdiisu ciidamo ku daabushay gobolka Gedo.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in la qabto shirkii wadatashiga doorashada.

Beesha caalamka ayaa ku talisay in aanu shirkaasi baaqan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online