4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Minnesota oo lagu qabtay kulan Tacsi & Duco loogu sameeyey M/waynahii Hore ee Soomaaliya AUN Cali Mahadi Maxamed

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa shalay galabnimadii ku qabtay kulan qado ah  Hotel Doubletree kaas oo ay isagu yimadeen tacsida & ducada M/waynahii afraad ee  Soomaaaliya AUN Cali Mahadi Max’ed oo dhawaan ku geeryooday Magaaladda Nairobi kaas oo aas qaran loogu sameeyey Magaaladda Muqdisho.

Dhamaan dadkii kulankaan ka hadlay ayaa duco ilaahay ugu baryey naxariisto jano inuu siiyo marxuum Cali Mahadi Maxamed oo Soomaaliya madaxwayne ka ahaa Sanadahii 1991 ilaa 2000,

Waxaa kulankaan ka hadlay Aqoonyahano ,Odayaal dhaqameed , dhalinyaro Xildhibaano & Wasiiro ku sugnaa gobolka Minnesota maalmahaan waxaana madasha daah furay Asad Maxamuud Islow oo ka mida Isimadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo Shiikh Axmed Taajir oo ka mida culumadiinka waawayn ee gobolka Minnesota , waxuuna shiikhu sheegay in tacsidaan ay tahay mid qaran.

Waxaa laga sheekeeyey taariikhdii nolosha marxuumka dhalashadiisii ilaa hada , waxaana dadkaas iay ka marqaati kaceen in marxuumku ahaa shaqsi doonaayey Soomaali cadaaladda ku wada noolaada dhulka ilaahay ku beeray.

Soomaaliya in hoosta laga soo dhiso oo ay hishiis dhexdooda ay gaarto ayuu qabay madaxwayne Cali Mahadi ayuu yiri Cali Jaras oo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Rochestar ee gobolka Minnesota kaas oo sheegay in marxuumka ay aad isku yaqaaneen kana uu mid ahaa gudigiisii fulinta.

Cabdikariin Cali  Nuur oo ka mida golaha wasiirada Hirshabeele , Sacdiyo Salaad oo ka mida Xildhibaanadda aqalka hoose ee Soomaaliya, Gudoomiyahii hore ee dagmada Cadale Col. Cabdulahi Cali Guuleed & madax kale ayaa iyaguna ka soo qaybgalay kulan loogu duceenayey Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya .



Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN