4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Dowladda Maraykanka oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada u sheegtay in aysan Muqdisho ka tegi karin illaa heshiis la gaaro
 

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada u sheegtay in ay Muqdisho sii joogaan illaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo arrimaha doorashada ku saabsan.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban oo ay kusoo daabacday barteeda Twitterka, iyadoo qoraalku uu si toos ah ugu socday madaxweynayaasha, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Waa inaad ku sugnaataan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayay tiri  safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in aanan la qaadan karin guul darro kale oo ku yimaada geeddi socodka doorashada.

Hadalka Safaaradda Maraykanka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo laga walaacsan yahay qabsoomida shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo xukuumada Soomaaliya ay maamulayso.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada kama hadlin shirkan, balse waxaa socda dadaalo ku aadan in shirku dhaco berrito.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online