4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Hoggaanka Booliiska Soomaaliya oo beeniyay in ciidamo cusub oo Booliis ah la geeyay garoonka Aadan Cadde
 

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa beeniyay in ciidamo cusub oo booliis ah la geeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle (AAIA).

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta ciiddanka Booliiska ee Facebook ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee horay u joogay, ay qabanayaan howlahooda shaqo ee maalinlaha ah.

Hadalka Booliiska ayaa jawaab u ah kadib markii baraha internetka lagu faafiyay in ciidamo badan oo booliiska gaarka ah la geeyay garoonka diyaaradaha, halkaas oo lagu qabanayo shirka wadatashiga.

Maalmo ka hor Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka inuu ka mid noqdo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga Qeybta Guud.

Tallaabadan kadib, waxaa soo baxday in dowladdu ciidamo geysay garoonka diyaaradaha oo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xerada Xalane ee ku yaala Xeyndaabka Garoonka ay dageen wafdiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online