4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Hoos u dhac la filayo Liraha Turkiga kadib markii Madaxweyne Erdogan uu shaqada ka eryay gudoomiyihii Bangiga Dhexe

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Liraha Turkiga ayaa laga yaabaa in uu ku yimaado hoos u dhac illaa 15% markii suuqyada lagu kala sarafto lacagta qalaad dib loo furo maalinta Isniinta. Dib u dhacaan Liirada ayaa loo aaneynayaa ka dib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu shaqada ka eryay Guddoomiyihnii Bangiga Dhexe Mudane Naci Agbal maalmo ka dib, markii uu aad sare u qaaday dulsaarka (Interest Rate).

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Erdogan ayaa walal-weyn ku abuurtay maal-gashadayaasha adduunka oo ku tilmaamay in ay la mid tahay go'aankii qaldanaa ee "BRIX" , ee  dalka UK ay kaga bexeen Midowga Yurub.

Guddoomiyaha laga qaaday shaqada ayaa kalsoon weyn ay ku qabeen maal-qashayaasha adduunka iyo waliba hannaanka uu ula dagaalamayey sicir-bararka (inflation), isaga kor u qaaday dulsaarka (interest rate).

Dib u dhacaan la saadaalinyo in uu yimaado lacagta Lirada ayaa sarifka doolarka gaarsiindoona ilaa 8 liro ($1USD = 8 Lira) halka maanta uu ks joogo ($1USD = 7.23 Lira).

Madaxweyn Erdogan ayaa durbadiiba u magacaabay Mudane Sahap Kavcioglu oo horay uga tirsanaa xibiga AK ee ka taliya dalka Turkiga. Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa in beddelo siyaasadihii Guddoomiyihii shaqada la qadaay isaga oo hoos u dhigidoona Dulsaarka (Interest Rate).

Hiiraan Online News Disk