4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dalka dib ugu soo laabtay

 

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) -Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar toddobadyadii ugu danbeeyay uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Imaashiyaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa ku soo beegmay xili maalinta berri ah lagu waddo in uu magaalada Muqdisho uu ka furmo shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay sheegtay in shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka maalinta berri ah uu ka furmayo teendhada Afsiyooni kaasoo ay ka qeybgali doonaan madaxda dowlad gobolleedka iyo gobolka Banaadir.

Horey waxaa magaalada Muqdisho u sii joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]