4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

 

Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhaxmaray ciidamada Booliis ah iyo koox maleeshiyaad ah oo la sheegay in ay ka ganacsadaan wax-yaabaha maanka dooriya.

Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii ay ciidamada Booliiska howlgal qorsheysan ka sameeyeen goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata wax-yaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Inta la xaqiijinayo ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda maleeshiyada ah iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Si kastaba dhowaan madaxweyne Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]