4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2021
Madasha Badbaado Qaran oo qoraal ka dhan ah Farmaajo u dirtay beesha caalamka


Axad, Maarso, 21, 2021 (HOL) - Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa qoraal lagu daabacay luuqata English oo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo waxaa ay u dirtay beesha caalamka.

Qoraalka Madasha oo ah mid aad u dheer  ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Qoraalka ayeey ku sheegeen in madaweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku guuldareystay in uu dalka doorasho gaarsiiyo sidaa daraadeed in Soomaaliya xiligan wajaheyso xaalad halis ah.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in uu waxyeeleeyey dadaal iyo daaacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayaga oo tusaale u soo qaatay in uu ka soo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4 ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Shirkan Farmaajo uu ku baaqay ayeey sheegeen in lagu soo beegay xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo uu ka waddo gudaha dalka xasilooni darro baahsan isaga oo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado in uu ciidamada Qaranka u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii Febraayo ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa.

Shirka uu habeen hore ku baaqay ayeey ku tilmaameen in uu yahay mid la doonayo in lagu raaligaliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa aad u adag ayeey qoraalkooda ku yiraaheen in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, ayada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday,

Ugu danbeyntii Madasha ayaa ugu baaqday shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]