4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Jigjiga: Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in Covid 19 uu ku soo laba kacleeyay Deegaanka
 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Sida uu shaaciyay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Dr Yusuf Maxamed waxaa soo laba kacleeyay Cudurka Covid 19, isla markaana ay korodhay dadka laga helayo cudurkan Covid 19.

Wasiirka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar badan, isla markaana lagu dadaalo waxyaabaha lagaga hortago cudurkan sida faraxalka, Af saabka iyo kala fogaanshaha dadka.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor degaanka lasoo gaarsiiyay tallaalka Covid 19, sidoo kalena lafilayo inay doorasho dhawaan ka dhacdo dalka itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]