4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Wasiir Dubbe '' Ma rabo in aan madaxweynayaasheenii hore ku dhax aragno Isbaheysiyo doorasho diid ah

 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) -  Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray doodda hay'adda dowladdu waqtigoodu dhamaaday, islamarkaana sharci darro tahay in ay sii shaqeeyaan.

''Haddii aysan Hay'adda Dowladdu shaqeyn yaa Baddeena ka hadli lahaa,, haddii aysan hay'adda dowladdu shaqeyn yaa nabad-galyada noo sugaya, haddii aysan hay'addaha dowladdu shaqeyn yaa Abaaraha u gurmanaya, yaa Askariga iyo shaqaalaha mishaar siinaya, sidaa daraadeed dowladdu wey shaqeyneysaa, dhinaca kalana waxaa ay diyaar u tahay in ay doorasho qabato'' ayuu yiri Wasiir Dubbe

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada ay dowladdu ku daabuleyso gobolka Gedo ayuu ku sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah sugida nabadgalyada, '' waad ogtihiin waxa ay halkaa ka samey-nayaa Al-shabaab iyo duulaanka ka socda dhinaca xadka oo carruurtii lagu leynayo marka dowladdu mar walba waxaa saaran mas'uuliyad dhinaca nabadgalyada ah, gargaarkiina waa la geeyay oo waad ogtihiin dhawaan waxaa ka soo laabatay Wasiirkii Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye, ilaa 50 gaadiid gargaar siddana  waa ay gaareen gobolka'' ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka.

Mar uu soo hadal qaaday Isbaheysigii dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee '' Badbaado Qaran'' ayuu yiri '' Runtii shacabka Soomaaliyeed wey ka naxeen markii ay maqleen arintan, waxey soo xasuusteen isbaheysiyo hore oo dalkan ceel dheer ku riday, madaxweynayaasheenii hore waxey naga mudan yihiin ixtiraam, laakiin ma rabno in aan aragno iyaga oo meelaha yaac-yaacaya oo ku jira isbaheysiyo doorasho diid ah'' 

Siyaasiyiinta mucaaraadka ayaa marar badan oo hore ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu qaadanayo go'aamo qaldan oo aan sharcigu u ogoleyn madaama uusan xiliggan aheyn madaxweyne rasmi ah, balse yahay madaxweyne xil gaarsiin ah oo aan waxba ka duwaneyn musharixiinta kale ee xilka madaxweynaha.

Hasse ahaatee Wasiir Dubbe ayaa sheegay in doodda siyaasiyiinta mucaaradku aheyn mid micno badan ku fadhida, islamarkaana hay'adda dowladdu ka shaqeynayaan sugida Amniga dalka iyo shaqooynka kale oo hor yaala, iyadoo dhinaca kalana loo diyaar garoobayo doorasho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]