4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Dowladda Soomaaliya oo maanta markale ciidamo farabadan geeysay gobolka Gedo


Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maalintii labaad aay dowlada Soomaaliya geysay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow ciidamo farabadan oo aad u hubeysan.

Diyaarad siday ciidamo aad u hubeysan ahaa duhurnimadii maanta ka degtay degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo maalintii shalay aheydna diyaarad kale aay geysay ciidamo farabadan waxaana halkaasi kusoo dhaweyay Sarakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar hoose oo aay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in ciidamadan maalintii labaad aay dowlada Soomaaliya ka dajisay Gedo aay yihiin kuwa gaar ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga, waxayna ka mid noqonayaan ciidamo kale oo aay dowlada horay u geysay gobolka Gedo.

Ciidamadan labaad ee maanta laga dajiyay degmada Dooloow waxay kusoo beegmayaan xili si adag uga hadashay maamulka Jubbaland maanta ciidamadii shalay dowladda geeysay degmada Dooloow.

Jubbaland ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu colaad ka hurinayo gobolka Gedo, xili abaaro daran aay ka jiraan deegaanada gobolka loona baahna in gurmad loo sameeyo dadka reer Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]