4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Jubbaland oo war adag kasoo saartay ciidanka cusub ee la geeyay gobolka Gedo
 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay ciidan dowlada Soomaaliya aay shalay geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa ku eedeysay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo inuu wali ka wado gobolka Gedo hurinta dagaalo halkaasi ka dhaca.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Jubbaland waxaa kamid ahaa in deeganada Jubbaland aay abaaro daran ka jiraan oo sababay khasaare naf iyo maalba leh oo lagu howlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibatadaasi, waxayna nasiib darro ku tilmaamtay in dowladda aay halkaasi dhibaatada daran ka jirto aay ku daabuleyso hub iyo ciidan dagaal.

"Jubbaland waxay cadeyneysa in waxii ka dhasha gulufka coladeed uu masuuliyadeeda si qof ahaaneed uu u yeelanayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, aayna noqon doonto xadgudub aanan wiligiis ka harin" ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland kasoo baxay. 

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland:-

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]